Muqdisho, (insidesomqliq.org)- Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo dhawaysay Dowladda Maraykanka oo dhawaan lacago ugu deeqday Soomaaliya, waxaa sidoo kale Dowladu ay soo dhawaysay Mowqifkii Dowaladda Maraykanku ay ku taageertay Arimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo go'aankii ay ku taageertay heshiiskii lagu gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti.
Afhayeenka Dowaladda Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa Saxaafadau sheegay in Dowladda ay soo dhawaynayaan go'aankii ay Dowladda Maraykanka ku taageertay heshiiskii lagu gaaray Magaalada Jabuuti, waxaana uu sheegay in ay si aad ah u soo dhawaynayaan talabadii uu Maraykanku lacagaha ugu deeqay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in Dowladda ay intaas iyo in ka badan ay ka filayaan Dowaladda Maraykanka.
Mr Goobdoon ayaa waxaa uu sheegay in Marykanku uu haatan si weyn wax ugu fahmay xaalada Soomaaliya sida laga dheehan karo taageerida uu tageerayo dib u heshiisiin laga dhex wado Dowaladda iyo Mucaaradka, waxaana uu sheegay in taasi ay tahay mid ay aad u soo dhawaynayaan kadaowlad ahaan.
Hadalkaan Afhayeenka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili uu sheegtay Dalka Maraykanku in ay soo dhawaynayso heshiiskii ay Magaalada Jabuuti kuwada gareen Dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoraynta, kaasi oo qodobada ugu waawaynaa ee lagu gaaray ay hayd in Ciidmada Itoobiya laga saaro Wadanka Soomaaliya, lana keeno Dalka Soomaaliya Ciidamo kale oo ka socda Qaramada Midoobey.